Sunday, June 14, 2015

Safarkii Kululaa

Sheeko Gaaban: Safarkii Kululaa.

Waxa ay ahayd maarso. Waxa aan ku waabariisannay xidhxidhis alaab. Maxamed dugsigiisu waa fasax. Sidaa darteed wuxuu go'aansaday in uu noo raaco aniga iyo aabbihii, booqashada aannu ugu soconno ayeydii oo xanuun daran laga soo sheegay. 

Waa subax hore, laakiin cadceeddu aadbey u kulushahay.

Aniga iyo Maxamed waxa aannu sii xidhxidhnay alaabtii, intii aabbihiina uu ku maqnaa soo kireynta baabuur.

Waxaa isa soo taagay baabuurkii, isla markiiba waxa aan ku daabulnay alaabtii. Baabuurku durbaba waa uu buuxaa, oo hore ayaa raashin iyo alaab kale loogu soo raseeyay. 

Maxamed ayaa guriga ku noqday, si uu u hubiyo in wax laga soo tegay iyo in kale. Wax yar markuu naga maqnaa, waxa aan maqlay sanqadha guriga kasoo yeedhay. Haddii aan jalleecay, waa Maxamed oo jiidanaya shandad weyn.